Beesha Caalamka Oo Si Adag Uga Hortimid Go’aanadii Madasha Muqdisho Ee Lagu Go’aamiyey In 18 Kursi Lagu Siyaadiyo Aqalka Sare

Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisey go’aanadii ka soo baxay shirkii hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamiyey in la kordhiyo tirada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka.

War qoraal ah oo lagu daabacay mareegta xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa marka hore lagu bogaadiyey Caleema saarka gudoonka Baarlamaanka cusub iyo dhaarinta xildhibaanada cusub ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho iyadoo arintan UNSOM ay ku tilmaantay talaabo loo qaaday dhanka horumarka.

“Caleema-saarka gudoonka Baarlamaanka Federalka waa talaabo wanaagsan oo muujineyso horumar laga sameyey hannaanka doorashada Soomaaliya, beesha Caalamka waxay rajeyneysaa inay haboon tahay in hannaanka doorashada Soomaaliya horey loogu socdo oo la dedejiyo iyadoo Aqalka Sare lagu jaan-gooynayo 54-ta kursi  sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya. Kordhin walbo oo lagu sameeynayo tirada xildhibaanada Aqalka Sare waa inay timaadaa kadib doorashada Madaxweynaha isla markaasina kordhintaasi ay noqoto mid waafaqsan dastuurka Soomaaliya…” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM waxaa lagu muujiyey in beesha Caalamka aysan ogolaaneynin in Baarlamaanka cusub lagu soo daro xubnaha lagu helay inay musuq-maasuq ku soo galeen Baarlamaanka Federalka ee gudiga doorashooyinka caddeeyey,haddii DF ogolaato arintan waxay dhaaweysaa sharciyaddeeda ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Beesha Caalamka ayaa ka digtay in dib u dhac uu ku yimaado hanaanka doorashada Soomaaliya oo lagu wado inay qabsoonto dhammaadka bishan Disember.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE