Ciidamada Jubbaland Oo Duulaankii Ugu Dambeeyey Ku Qaaday Deegaanada Ay Dhibatada Ka Wadaan Maleeshiyada Alshabaab (Sawiro)

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay duulaankii ugu danbeeyay oo loogu gurmanayo dadka Xoolo dhaqatada ah ee Gobolka Jubada Hoose oo ay dhibaato adag ku hayaan Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixiyay in Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida loo diro deeganada Galbeedka Jubada Hoose halkaas oo dagaalo ay maalmahan ku dhex marayeen Dadka deeganka oo la hubeeyay iyo Kooxda Al-Shabaab.

Cutubyadii ugu Horeeyay ee katirsan Ciidamada qalabka sida ayaa shalay gaaray deeganada ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deeganku kula dagaalamayeen Al-Shabaab si ay u garab istaagan oo ay u kala eryaan Kooxaha beegsanaya Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE