Deg Deg Labada Gudoon Ee Baarlamaanka Aqalka Sare Iyo Hoose Oo Lagu Dhawaaqay

Iyadoo goor dhow lasoo gabagabeeyey dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka qalka hoose iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ayaa waxa lagu dhawaaqay Gudoonka sida KMG ah u sii haayn doona xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa lagu dhawaaqay in uu noqdo Gudoonka KMG ah inta Baarlamaanka aqalka Hoose uu soo dooranayo Gudoomiyaha Cusub, halka Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Xuseen Ibraahim oo ka socda aqalka Sare uu noqday Gudoonka KMG ah.

Xafdlada oo weli socota ayaa waxa qudabo kala duwan ka jeedinaya Mas’uuliyiin kala duwan, waxaana Cod baahiyaha gacanta ku haaya Gudoomiyaha waqtigiisu dhamaaday ee Prof Maxamed Sheekh Cismaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya aanu ku oolin Wax la yiraahdo “Aqalka hoose” balse uu ku qoranyahay “Golaha Shacabka” iyo Aqalka sare wuxuuna ugu baaqay dhamaan inta madasha fadhidey in afkooda ay baraan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran