Deg Deg Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Oo Ka Bilaabatay Magaalada Muqdisho

Xerada Tawabarka Janaraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ayaa waxa ka bilaabatay dhaarinta xildhibaanada Cusub ee labada aqal ee baarlamaanka Fedaraalka ee Soomaaliya.

Munaasabada lagu dhaarinayo Mudanayaasha ayaa ku sugan Madaxda dowlada Fedaraalka iyo wakiilo ka socda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana fadhiga ku sugan dhamaan xildhibaanada lasoo doortay ee isugu jira kuwa aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in seddax qodob maanta la rabo in la dhaqan geliyo, qodobka ugu hreeya ayuu ku sheegay inay tahay dhaarinta Xildhibaanada Cusub, doorashada Gudoonka ugu da’da weyn iyo ansaxinta xeer hoosaadka uu ku dhaqmi doono baarlamaanka inta laga soo dooranyo Madaxda cusub ee hogamin doonta dalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa Mudanayaasha ugu baaqay in ay u guntadaan sidii dalka looga bixin lahaa kala guurka loona gaarsiin lahaa heer in la gaaro doorasho ka duwan mid ku saleysan hab beeleedka.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer fedaraal ayaa goobta ka sheegay in xidhibaanada ku sugan munaasabada ay gaarayaan ilaa 293 mudane oo 250 ka mid ah ay yihiin xildhubaanada aqalka hoose halka 43 kale ay yihiin xildhibaanada aqalka sare.

Dhaarinta xildhibaanada ayaa noqon doota mid 30 xildhibaan hal mar loo yeero si loo dhaariyo.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open