Taliska Ciidamada Deegaanka Oo Soo Bandhigay Labo Meyd Alshabaab Ah Oo La Dilay Iyagoo Miino Dhigaayo Duleedka Degmada Marka (Sawiro)

Sida aan shaley baahinay, waxaa shaley howlgal ay ciidamada deegaanka ka fuliyeen duleedka degmada Marka lagu dilay dhagar qabeyaal Alshabaab ah oo Miino dhigaayey deegaan ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo lagu magacaabo Tuugaar Ismiin.

Taliska ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay ka warheleen 3 nin oo miino dhigis u yimid deegaanka Tuugaar Ismiin oo todobaadkii hore ciidamada AMISOM ay ku dileen caruur iyo hooyadood kadib markii Alshabaab qarax ay halkaas kula eegteen.

Alshabaab ayaa xiligan hadafkooda wuxuu yahay inay iska horkeenaan ciidamada AMISOM iyo shacabka deegaanka iyagoo Miino dhex dhigaayo goobaha ay ku badan yihiin xoolo dhaqatada deegaanka.

Taliska ciidanka ayaa sheegay in iska horimaad kooban kadib ay dileen 2 ka mid ah Miinisteyaasha Alshabaab iyadoo midka 3aad uu dirqi uga baxsaday ciidamada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran