Wadooyinka Ugu Muhiimsan Ee Muqdisho Oo Maanta Xiran Iyo Shacabka Oo Cagahooda Maalaya (Sawiro)

Waxa maanta gabi ahaanba xiran Wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Caasimada ah Muqdisho kuwaas oo ay isticmaali jireen Gaadiidka iyo Shacabka.

Wadada Maka Almukarama ayaa waxa lagu daadiyey Ciidan iyo dhagxaan  waxaana dad weynaha loo diidayaa in ay isticmaalaan wadooyinka xiran, iyadoo la arko in ay dadku cagahooda maalayaan.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii maanta loo asteeyey in ay noqoto maalinta la dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Fedaraalka, waxaana lagu wadaa in xaflada dhaarinta ay kasoo qeyb galaan madax ka tirsan kuwa xilkoodu dhaamday ee sii haaya talada dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open