Dahgeyso Xildhibaan C.qaadir Bootaan “Puntland Ma Furi Doonto Wadooyinka Ilaa Laga Furo Wadada Ka Dhaxeysa Umada Ee U Xiran Galmudug”

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland oo Wareys siiyey Warbaahinta ayaa si cad u sheegay in Maamulkooda aanay furi doonin Wadooyinka u xiran ilaa laga furo Wadooyinkii Umada ka dhaxeeyey.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa sheegay in Maamulka Puntland aanu Eed ku yeelan karin xirnaasha Wadada ay xanibeen ee Gaalkacyo, inta ay xirantahay Wadada ka dhaxeysa Umada siduu hadalka u dhigay oo u xiran Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu intaa ku daray Xuldhibaanka in aan la fiiranin kaliya wadada soo jirta dhinaca Puntalan ee laga hadlyo wadooyin ka dhaxeeyey Umada Soomaaliyeed oo ay xirteen oCiidamada Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ka taagan xiisado aan dhamaaneyn, waxaana maamulada halkaasi ka jiramidba midka kale uu eedda dusha u saarayaa dhinaca kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE