Xildhibaanka Loo Saadaalinayo In Uu Noqdo Gudoonka Sida KMG Ah U Qaban Doona Baarlamaanka Cusub (Sawir)

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la dhaariyo, iyagoo yeelan doona Kalfadhigii 1aad ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Baarlamaanka oo dhaarintiisa saacadaha soo socda ay ka biilaaban doonto Dugsiga Tawabarka Janaraal Kaahire (Iskool Boliisiyo) ayaa dooranaya ninka ugu da’da weyn, si uu u noqdo Guddoomiye KMG ah, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.

Xildhibaan Cismaan Cimi Boqore oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doortay Gobolada Waqooyi ayaa loo arkaa shakhsiga ugu da’da weyn Baarlamaanka Cusub, Shariif Shukhunaa Maye ayaa isagana ka mid ah xildhibaanka laabd ee ugu da’da weyn Baarlamaanka hada jira halka Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil uu yahay mudanaha seddaxaad ee ugu da’da weyn.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa mar soo noqday Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii lagu soo doortay dalka Kenya dowladii Marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open