Amin Arts Oo Sawir Qosol Badan Ka Sameeyey Dhaarta Baarlamaanka Fedaraalka

Baarlamaanka kusoo baxay doorashada dadban ee ka dhacday maamul Goboleedyada dalka ayaa shalay lagu dhaariyey magaalada Muqdisho, waxaana sawirada laga qaaday dhaarta laga diiwaan geliyey Sawiro lala yaabay, Mudanayaasha qaarkood laba fara ka mid ah saaray Kitaabtii lagu dhaariyey xildhibaanada, halka qaarkood ay wax fara ah saarin.

Farshaxanka Soomaaliyeed Amin Arts ayaa soo bandhigay Sawir uu ku sheegayo in dhaartii shalay ay aheyd mid dadban maadaama Baarlamaanka uu ku yimid doorasho dadbada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE