Ciyaaraha: Martial Oo La Ogaaday Xiliga Uu Ka Tagayo Man United Iyo Kooxda Uu ku biirayo

Weeraryahanka Man United Anthony Martial ayaa ku dhawaanaya inuu isaga tago kooxdiisa bisha January, kadib xili ciyaareed niyad jab ah oo uu qaatay.

Saxaafada Ingiriiska ayaa qoreysa in xidigan heerka caalami ee dalka France uu kusii dhawaanayo inuu ku biiro kooxda Valencia ee horyaalka Spain.

Wakiilka ciyaaryahankan ayaa sheegay in xidigan uu nolol adag ku qaadanayo ka hoos ciyaarida macalin Jose Mourinho, taas ayaana ku qasbeysa inuu baxo.

Xidigan ayaa United kaga soo biiray Monoc sanadkii 2015, markaas oo uu lacag dhan £60million kusoo iibsaday, waxaase xili ciyaareedkan uu ku qaatay keyd.

21 jirkaan ayaa kaliya todobo kulan kusoo bilowday 18-kii kulan ee ay ciyaartay United horyaalka, waxaana uu dhaliyay hal gool.

“Sevilla? waxaa macquul ah inaan halkaas wax kasoo barano, waxaana ka hadleynaa kooxo kale oo waa weyn, Sevilla waxaa ay meel wanaagsan ka joogtaa La Liga waxaana ay haystaan tababare wanaagsan, laakiin wax intaas ka badan ma dhihi karo”ayuu sheegay wakiilka ciyaaryahankan.

Manchester United ayaa guulo gaartay afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana booska weerarka hogaaminaya  Ibrahimovic, weeraryahanka reer Sweden ayaana loo dhiibay numberkii Martial ee No.9

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran