Dhageyso Baarlamaanka Cusub Oo La Wareegay Shaqada Hogaamiyeyaasha Madasha

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday Mahad Cabdalle Cawad ayaa sheegay in Shaqadii Madasha Hogaamiyayaasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ay la wareegeen Xildhibaanada cusub ee shalay lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalle Cawad ayaa sheegay in Madasha Wadatashiga Qaran ay gaareen go’aano aan ku jirin Dastuurka Qaranka,wuxuuna daaha ka rogay in hada kadib wixii go’aan ka gaaris ah ay iska leeyihiin Xildhibaanada cusub oo uu sheegay iney dalka Masuul ka yihiin.

Wuxuuna uga mahad celiyey Madasha Wadatashiga shaqooyinkii muhimka ahaa ee ay soo qabteen isagoona xusay iney buuxiyeen boos bannaanaa,Xildhibaanada Cusub ayuu sheegay in looga baahan yahay iney afkaartooda kasoo dhiibtaan tirada Xildhibaanada soo jeedinaysa  mid kasta oo ka mid ah Musharixiinta Madaxweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran