Dhageyso Ku Simaha Madaxweynaha K/galbeed Maxamed Xasan Fiqi Oo U Hanjabay Wabraahinta Sheegtay Iscasilaadda Shariif Xasan

Ku simaha Madaxweynaha K/galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu iscasilayo Madaxweyanaha Maamulkiisu dhaafi waayey Baydhaba.

Wasiir Fiqi ayaa Beeniyey wararka isa soo taraya ee sheegaya in uu is acasli doon Shariif oo cadaadis badan uu saaranyahay, waxaana intaa hadalkiisa uu ku daray in hogaamiyahooda aanu aheyn shakhsi iskiisa isku sharaxay hase ahaatee musharaxnimadiisa ay ku timid Mid ay ka wada tashteen guud ahaan Maamulka Koonfur galbeed.

Waxa uu raja wanaagsan ka muujiyey ku guuleysiga xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo tartan adag ay ugu jiraan siyaasiyiin badan oo doonaya in ay kusoo baxaan tartanka.

Dhinaca kale Maxamed Xasan oo ku sime kumeel gaar kusii ah Xafiiska Madaxtooyada K/galbeed ayaa u hanjabay Warbaahinta baahisay in uu iscasili doono Shariif, isagoo tilmaamay in aanay ka hari doonin kuwa uu ku tilmaamay in ay buun buuniyeen warar been abuur ah.

Warbaahinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay si aad ah u qoreysay wararka la xiriira in cadaadis uu saaranyahay hogaamiyaha K/galbeed oo lagu qasbayo in uu ka tanaasulo tartanka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Shariif ayaa ilaa hada aan laga haaynin Beenin ama xaqiijin ku aadan wararka la baahinayo hase haatee waxaad moodaa in ay u hadlayaan Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa, iyadoo horey uu u hadlay C/laahi Sheekh Xasan oo sheegay in Shariif uu tartami doono.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran