Dhageyso Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Maamulka K/galbeed Macalin Barre Oo Shabakadda Markacadey.com Uga Waramay Arimo Xiiso Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Kulan Gurigiisa Ka Dhacay

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka maamulka K/Galbeed Axmed Maxamed Barre (Macallin Barre) ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaayo siiyey shabakadda Markacadey.com.

Macallin Barre ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada beesha uu ka dhashay ee Biimaal ay ku hayaan koox bililiqeysatay hogaanka dhaqanka beesha Biimaal oo aan ka warhaayin dhibaatada sii baahaysa ee Beesha lagu haayo.

Doorashada baarlamaanka ee ka dhacday Baydhabo ayuu ku tilmamay mid la boobay dhamaan kuraastii xildhibaanada ee Beesha, iyadoo xubnaha tartamayey qaarkood lagu sheegay kuwo aan u dhalan Beesha, halka kuraasta qaarkood si indha alaa’aan ah loo musuqmaasuqay.

Wasiirka ayaa tilmamaay in Beesha Biimaal ay ka tashan doonto kooxaha xil Boobka ah ee sababay dhibaatada sii baaheysa, waxaana uu cadeeyey in markii uu arkay cadaalad darada iyo xaqa oo laga weecanayo uu ga’aansaday in uu ka baxo xeyn daabka xisbiga is cajib geliyey ee xilli hore uu ka mid ahaa.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay socdaan shirar kala duwan oo Beesha Biimaal ay kaga tashaneyso aayaheeda islamarkaana ay go’aan kaga gaareyso dhaqanka iyo soo celinta Odayaashii xilkooda boobka lagula kacay oo hada u taagan in ay u adeegaan Jilibyadii (Jufooyinkii) soo wakiishay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada iyo abaaraha ka jira Gobolka Shabeelada hoose, isagoo eedeymo usoo jeediyey Maamulka Shariif Xasan oo indhaha ka daawanaya Gobolka, waxaana Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu sheegay in Shacabka Shabeelada hoose ay tashan doonaan hadii ay sidan ahaato xaalada Gobolka.

Dhageysi wacan:

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE