Dowlada Itoobiya Oo Cadaadis Kusii Kordhineysa Musharax Madaxweyne Shariif Xasan

Dowlada Itoobiya oo ah dowladaha sida dhow fara gelinta ugu haaya doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa sii wada Cadaadiska ay ku haayso Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif oo goor sii horeysay ku dhawaaqay in uu u taaganyahay tartanka loogu jiro Madaxtinimada Soomaaliya ayaa caadaadiskan looga dalbaday in uu muujiyo tanaasulka Xilka Madaxweynaha, waxaana dhawaan mar kale looga yeeray Caasimada Itoobiya ee Addis Ababab.

Usbuucyo ka hor Shariif Xasan oo kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xukuumadda Addisababa Gabre ayaa si cad waxa loogu sheegay in aan loo ogolaan doonin ka qeyb galka Tartanka, sidoo kale waxa loo cadeeyey in dowlada Addis aanay diyaar u aheyn in ay ku taageerto Tartnak.

Shariif ayaa markaas ku dooday in la siiyo waqti uu kaga soo fakaro qorshaha loo soo gudbiyey hase haatee waqtigii u qabsaday ayaa dib uu kaga dhacay, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in si deg deg ah looga yeeray Itoobiya oo lasiiyey muddo ku siman 10 maalmood si uu u shaaciyo Tanaasulkiisa.

Madaxweynaha fadhiidka ka dhigay Maamulka K/galbeed ayaa safarka Itoobiya ka dib u gudbay dalka Boqortooyada Sacuudiga, welina ma cada in uu qaatay amarka lasoo siiey iyo in kale.

Musharaxnimada Shariif oo dad badan ay u arkaan mid macaasha raadis ah ayaa hada u muuqata in uu cadaadiska ksuii kordhayo, waxaana shaki badan uu ka jiraa kalsoonida uu ka qabo xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Baydhab.

Dowlada Itoobiya ayaa si dhow ula socota siyaasadda Shariif Xasan ee dhaqaale ku raadiska ah Musharaxnimadiisa ayaa  dooneysa in ay meesha ka saarto qal qal gelinta uu wado, marba hadii aanu aheyn shakhsi ka dhabeenaya hamigiisa siyaasadeed.

Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in Madaxweynaha K/galbeed uu ku fashilmay sii maamulidda Maamulka Baydhaba fadhiidka ku ah, waxaana arimahaas lagu micneeyey aqoon la’aanta iyo waaya-aragnimadiisa dhanka Maamulka oo aad u liidata.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE