Dowlada Kenya Oo Bandowga Kusii Kordhisay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Waqooyi Bari Ee Kenya

Dowladda Kenya ayaa kordhisay Bandowgii saarnaa Magaalada Mandera iyo deegaanada Hoos yimaada ee ku teedsan xuduudka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Arimaha Gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissary ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyey Bandowgii saarnaa Magaalada Mandera,wuxuuna sheegay in ilaa 28 March ee sanadka 2017ka uu socon doono Bandowga  saaran Magaalada Mandera iyo deegaanada hoos yimaada.

Deegaanada Bandowga lagu soo rogay waxaa kamid ah Mandera,Omar Jillo,Fino,Lafey Katulo iyo Ceel Waaq oo dhammaantood ka tirsan Maamul Goboleedka Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu dagto.

Mandera iyo deegaanada ku xeeran waxaa Bandowga lagu soo rogay 26kii bishii October ee sanadkan xiligaas oo Al-shabaab ay Hotel kuyaalla Mandera ku dileen 12 oo u dhashay dalka Kenya,Bandowga ayaa ka bilaabanaya (6:30PM) habeenimo ilaa (6:30AM) Subaxnimo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE