Dowlada Turkiga Oo Mareekanka Ku Eedeysay In Uu Gacan Saar La Leeyahay Kooxaha Argagaxisada

Wadamada Turkiga iyo Russia ayaa si gooni gooni ah Wax ay Maraykanka ugu eedeeyeen taageerto waxa ay ugu yeeraan “kooxaha argagixisada” Ka dagaalanta wadanka Suuriya iyo ciraaq.

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu Maraykanku ay ka hayaan caddaymo muujinaya in  isbahaysiga taageero Dawladda Islaamiga ah ee Ka dagaalama wadamada Ciraaq iyo Suuriya ee ISISI iyo kooxaha Kurdishka ah.

Warkan oo ka soo baxay Xukumada Turkiga ee Magaalada Ankara ayaa la sheegay in la hayo sawiro iyo vedio cadayo u ah in Mareekanka uu ku lug leeyahay khalalaasha ka jira Bariga Afrika.

Dalka Turkiga ayaa waxa ka dhaca Qaraxyo iyo Weeraro ay intooda badan sheegtaan kooxda laga mamnuucay dalkaaas ee lagu magacaabo PKK iyo kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamka.

Dalka Turkiga ayaa bartamihii sanadkan waxa ka dhacay Afgembi dhicisoobay, waxaana afgembigaas lagu eedeeyaa in uu ka dambeeyey Wadad Magangalyo u jooga dalka Mareekanka, waxaana Mareekanka lagu eedeeyey in uu wax ka ogaa inqilaabka dhicisoobay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open