Kooxda Alshabaab Oo War Kasoo Saartay Ninkii Isku Qarxiyey Degeda Magaalada Muqdisho Iyo Warkii NISA Oo Beenoobay

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Ninkii isku qarxiyey Degamada Magaalada Muqdisho oo lagu fuliyey weerar ismiidaamin ah oo lau xirey Gaari walxaha qarxa lagu rakibay.

War laga sii daayey warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay in magaca iyo deeganka uu kasoo jeedo Ruuxii naftii haliga ahaa ee ka dambeeyey weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Degedda Muqdisho.

Isqarxiyaha oo adeegsaday sida Idaacada Shabaabka laga sii daayey Gaari weyn oo qarax uu ku xirnaa ayaa waxa lagu magacaabi jirey Khaalid Xuseen Muxamed (Garaad), kaas oo deegaan ahaan ku dhashay magaalada Garowe.

Sidoo kale Idaacadd Shabaabka ayaa waxa laga sii daayey wareysi uu bixiyey ka hir inta aanu isqarxin, wareysiga ayuu ku sheegay Garaad in uu doonayo in uu id dilo oo uu qarax Fuliyo, isagooku dayanaya Aabihiis oo ku dhintay dagaal uu kula jirey Ciidamada Saaxiibada la ah Soomaaliya.

Maalintii shalay Hey’adda Sirdoonka qaranak ee NISA ayaa baahisay Sawir ay kasoo qaadeen nin ay ku sheegeen in uu ahaa ninkii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay Degedda Muqdisho, ninkaas oo ay kasoo qabteen degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

NISA warka kasoo baxay laguma cadeyn cidda ka gacan siisay soo qabashada ninka ay soo bandhigeen, maadaama deegaankaas ay kusuganyihiin Ciidamo deegaanka u dhashay iyo kuwa Amisom

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open