Kooxo Hubeysan Oo Muqdisho Ku Toogtay Mid Ka Mid Ah Nabadoonadii Soo Dooratay Xildhibaanada Aqalka Hoose

Koox hubaysan ayaa caawa Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho waxay ku dishay Nabadoon ka tirsan Ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Aqalka Hoose Doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhoore ayaa waxaa toogasho ku dilay koox ku hubaysan Bistoolado xilli uu kasoo baxay Masaajidka weyn ee degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta mana jirto ilaa iminka cid loosoo qabtay dilka Nabadoonka.

Magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilala kala duwan ayaa waxa kusoo kordhaya dilalka Nabadoonada iyo Ergooyinka soo doortay xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open