Musharxiin U Tartamaysa Xilka Madaxweynaha Oo Dacwad Ka Gudbiyey Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday Ee Xasan Sheekh

Qaar ka mid ah musharxiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa dacwad waxay ka gudbiyeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dacwad oo gacanta loo geliyey Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa la xariirta kordhinta Xildhibaanada aqalka Sare oo dhawaan 18 xunbood ay ku kordhiyeen Madaxda Madasha.

Mushaxriinta dacwada gudbiyey ayaa ku doodaya in la hareer maray Dastuurka u yaala dowlada Fedaraalka oo qeexaya in xildhibaanada aqalka Sare laga dhigo 54, iyadoo 18 xubnood oo dheeri islamarkaana aan ku qorneyn daxstuurka lagu soo kordhiyey taas oo Mudanayaasha ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah xeerka ay ku heshiiyeen Umda Soomaaliyeed.

War saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha sida C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/llaahi Dani, Maxamuud Axmed Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay walaac ka muujiyeen go’aanadii Madasha ee hareer marsanaa dastuurka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran