Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo waramaya in halkaas uu ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah.

Weerarka ismiidaamin ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay maqaaxi ku taala Bartamaha magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyo Ciidamada AMISOM gaar haan kuwa dowlada Jabuuti.

Ruux naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa la sheegayaa in uu isku qarxiyey maqaayadda oo ay gudaheeda ku shaahayeen Ciidamada dowlada iyo kuw AMISOM, waxaana jira khasaare kala duwan oo goobta ka dhashay.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulaahi Fiidow ayaa warar hor dhac ah oo uu warbaahinta siiyey ku sheegay in uu kooban yahay khasaaraha weerarkaas uu sababay, waxaana uu beeyey warar sheegaya in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku dhinteen ilaa Todobo skari oo isugu jira Soomaali iyo Jabuutiyaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE