Dhageyso Gudoonka KMG Ah Ee Baarlamaanka Fedaraalka Oo Ka Hadlay Howlaha Ugu Horeeya Ee Ay Qaban Doonaan

Guddoonka KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay si daah-furnaan ah uga shaqeyn doonaan Doorashada Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Faderaalka Cismaan Cilmi Boqore oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xooga saarayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha taagan.

Boqore wuxuu cadeeyey in hanaanka doorashadu uu noqon doono mid daah-furan, oo ay ku qanci doonaan Siyaasiinta u tartamaya Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran