Maleeshiyada Alshabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka degmada Afgooye, maleeshiyada Alshabaab ayaa caawa si buuxda ula wareegay guud ahaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyadaa Alshabaab ayaa dhowr jiho iyagoo rasaas ridaayo ka soo galay degnada Afgooye oo horey ay u joogeen maleeshiyaad Isbaarooley ah oo dowladda Federalka ugu magacaaban Xoogga Dalka, maleeshiyaadka dowladda ayaa dhanka wadada Muqdisho aado uga baxay magaalada Afgooye.

Ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh duleedka degmada Afgooye ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan si Alshabaab looga saaro magaalada.

Wixii warar oo ka soo kordho xaaladda degmada Afgooye, wararkeena dambe ayaan idinku soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE