Dhageyso Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Go’aankii Madasha Ay Dib Ugu Dhigtay Doorashada 18-ka Kuris Ee Lagu Gordhiyey Aqalka Sare

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay go’aankii ku saabsanaa in dib loo dhigo Doorashada 18 Kursi ee lagu kordhiyey Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya oo ay dhawaan soo saareen Madasha Hogaamiyayaasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,Italy,Sweden,Netherland iyo Belgium ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey go’aanka Madasha ee la xiriira in dib loo dhigo Doorashada 18 Kursi e lagu daray Aqalka Sare ee dalka.

Go’aankii kasoo baxay Madasha ayaa u muuqda mid loogu hogaansamay amar horey ay u diiday Beesha Caalamka oo kordhinta 18-ka xubnood ee aqalka sare ku sheegay mid lagu hareer marayo Dastuurka oo ku qoran in Soomaaliya ay yeelato Baarlamaan aqalka sare ah oo gaaraya ilaa 54 xildhibaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran