Madaxweyne Obama Oo Diblomaasiyiin Ruush Ah U Qabtay Waqti Yar Inay Uga Baxaan Dalka Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa amar ku bixiyay in muda 72 saac gudahood dalka Mareykanka uga baxaan 35 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo Sirdon Ruush ah.

Barack Obama ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in Albaabada loo laabo dhismeyaal diblomaasiyiinta Ruushku ka hawlgeli jireen oo dhammaantooda ku yaallo magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka.

Diblomaasiyiintan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen hawlo baasaasnimo iyo faragelin ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday taasoo suurta gelisay in hogaamiye xagjir ah loo doorto madaxtinimada Mareykanka.

Cunaqabataynta Mareykanku kusoo rogay diblomaasiyiinta Ruushka ayaa laga yaabaa inay xumayso xiriirka labada dal oo markii horeba aad u liitay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE