Meydad Ay Ka Carareen Alshabaab Oo Lagu Soo Bandhigay Degmada Afgooye Iyo Horjoogayaasha Dowlada Oo Faanay (Video)

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose waxay ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabelle oo isku dhinac ah Maleeshiyaad taabacsan Kooxda Alshabaab.

Weerarka oo ay soo qaadeen Maleeshiyada Alshabaab ayaa sababay khasaare dhinacyada soo kala gaaray, sidoo kale dagaalka ayaa Maleeshiyada Degmada ku sugneyd ku qasbay in ay baneeyaan dhufeyso badan oo ay ku lahaayeen wadada aada dhinac deegaanka Mareerey, walowmarkii dambe dagaal rogaal celin ah looga saaray goobihii ay qabsadeen.

Daahir Xaashi Diiriye (Daahir Dikootar)

Maleeshiyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa dagaalka waxa kaga geeriyooday ilaa Todoba Askari, waxaana ku jira Daahir Xaashi Diiriye (Daahir Dikootar) oo ka mid ahaa Maleeshiyadii ka dagaalami jirtay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca kale Maleeshiyada Alshabaab ayaa goobihii ay soo weerartay kaga tagtay meydad, waxaana horjoogyaasha u dhashay Galmudug iyo Hirshabelle ay ku faaneen guul muhiim ah oo ay ka gaareen dagaalkii shalay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open