Suldaan C/kariin Faarax Dulm-Diid Oo Talooyin Dhaxal Gal Ah Usoo Jeediyey Xisbiyada Siyaasadeed Ee Somaliland

Hadalkii maanta kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Cirro wuxuu u muuqday in uu cadhaysnaa cadhadaasoo aan filayo in ay sabab u tahay hadaladii xajiinta lahaa ee kasoo yeedhay mas,uuliyiinta xusbiga Kulmiye dhowrka jeer usbuucaan gudihiisa iyo barnaamijkii fashilmay ee Photoshop group….

Hadaba anigoo ah sultan Abdikariim Farah DULMI DIID waxaan cod dheer ku leeyahay maan jeclaysan sidii uu Gudoomiyuhu uga hadlay wixii dhacay taariikhdu markay ahayd kun sagaal boqol iyo sagaashameeyadii (1994)
Waxaan markale cod dheer ku leeyahay yey dhicin kahadalka arintaas maanta ka dib insha allaah…

Muuse iyo Cabdiraxmaan Cirrona waxaan si wada jir ah ugu leeyahay ugu tartama garoonka siyaasada Somaliland hab iyo hanaan dimuqraadi ah iyo xajiin la,aan waxaanan leeyahay labadiina dhinacba usoo bandhiga bulshada wax qabad dalka dhinac walba saamayn ku yeelan kara
Sida dhaqaalaha xoojinta awooda qaranka milatariga, abmiga qaranka, siyaasada arimaha gudaha, iyo tan arimaha dibada, Xoojinta wadajirka umada, midnimada, cadaalada iyo sinaanta…..

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE….
Gudoomiyaha
Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME….

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE