Baarlamaanka Fedaraalka Ayaa Maanta Muqdisho Ku Yeelanaya Kulankoodii Labaad

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan la dhaariyey ayaa Maanta Muqdisho ku yeelanaya Kulankoodii labaad.

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Maanta ku dhisi doona Gudiyo ka shaqeeya Doorashada iyo xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha oo aan la waqtiyeyn ilaa hada.

Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxay ka dhursgayaan tallaabooyinka ay qaadaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya,Doorashada Soomaaliya ayaa dhowr jeer dib u dhacday,Ciidamada Ammaanka ayaa xiray wadooyinka mara nawaaxiga Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo xildhibaanada Baarlamaanka ay Maanta ku yeelanayaan kulamadoodii hore.

Qodobada laga sugayo in Baarlamaanaka uu meel mariyo ayaa waxa ka mid ah sidii uu isbedel ugu sameyn lahaa qodobka 72-aad ee Dastuurka oo dhigaya in Baarlamaanka aqalka Sare uu ka koobnaado 54- mudane, iyadoo lasoo jeediyey in laga dhigo 72 mudane.

Sidoo kale waxa looga fadhiyaa Baarlamaanka in uu ka doodo Shuruudaha ay Madashu ku xirtay Musharxaiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo, iyadoo muran badan uu ka jiro 30, kun oo doolar iyo saxiixa 20 xildhibaan oo musharax kasta laga doonayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran