Baarlamaanka Fedaraalka Oo Kulankii Ay Yeesheen Ku Meel Mariyey Qodobo Ay Horey Usoo Jeediyeen Hogaamiyeyaash Madasha

Baarlamaanka cusub ee fedaraalka ayaa maanta kulankoodii labaad waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho iyagoo ka dooday qodobo la xiriira doorashada oo dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Qodobada ay baarlamaanka maanta ka doodayeen ayaa waxa ka mid ahaa qiimaha lacageed ee laga doonayo Musharaxiinta Madaxweynenimo iyo Gudoonka Baarlamaanka iyo shuruudaha ay ka midka yihiin in musraxa kasta uu la yimaado ilaa  xildhibaan oo u saxiixda Musharaxnimadooda.

Ugu horey Baarlamaanka ayaaka dooday qiimaha lacageed ee Musharax kasta laga doonayo ee gaareysa 30 kun ee doolar, waxaana Baarlamaanka dood dheer kadib uu meel mariyey soo jeedintii Hogaamiyeyaasha Madasha ee ahaa in Musharax kasta uu la bixiyo lacagaha loo qoondeeyey ee gaareysa 30 kun oo doolarka Mareekanka ah.

Dhinaca kale Baarlamaanka ayaa ka dooday in Musharax walba uu saxiix ka helo xildhibaano gaaraya ilaa 20 mudane, waxaana tiradaas ay kusoo koobeen in musharax kasta uu heli karo ilaa seddax xildhibaan oo ogolaata Musharaxnimadiisa.

Baarlamaanka ayaa gudi u saari doona xilliyada la qabanyo Doorashada Gudoonada Baarlamaanka labada aqal iyo tan Madaxweynaha, waxaana laga war sugayaa in gudigaas uu ka gaaro xilliga ay qabsoomayaan dhamaan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxa lagu dhaariyey 12 mudane ka mid noqonaya Baarlamaanka kuwaas oo dhaartii hore ka maqnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open