Dhageyso Faafaahinno Kasoo Baxaya Dil Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya Loogu Geystay Taliye Ku Xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliyihii ku xigeenkii ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada  Soomaaliya ayaa lagu dhex dilay.

Askeri ka tirsan ciidamada madaxtooyada Soomaaliya ayaa toogtay taliyaha sida uu  sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Shadoor Xaaji.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu askeriga u dilay Cabdi Cabdulle Qoorgaab, taliyihii ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada, Wararka qaar waxa ay sheegayaan in rasaasta ka dhacday gudaha madaxtooyada uu sidoo kale ku dhaawacmay askari kale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran