Dhageyso Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Sacuudiga Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Direy Sheekh Cumar Gaal-Dile Oo Aabihii Geeriyooday

Jaaliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee Beesha Biimaal ayaa ka tacsiyadeeyey Geerida Naxdinta leh ee ku timid Allah u naxriistee Marxuum Xaaji Xasan Cumar oo dhalay Sheekha Caalimka ah ee Sheekh Cumar Gaal-dile oo ku geeriyooday Deegaanka Mariin-gubaay.

Jaaliyadda oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Aweyd Xaaji Mocow, ku xigeenkiisa C/hi Xasan Macallin Buuni, Xogayaha Jaaliyadda Ismaciil Xaaji Ibraahim Jeego iyo Mas’uuliyiinta ay ka midka yihiin Nabadoon Xaaji Xabiib Cumar, Nabadoon Maadey Kuulle, Nabadoon Sheekh Nuur Kharoof iyo xubno kale ayaa dhamaan marxuumka Alla uga baryey in uu janadii Fardows ka waraabiyo, waxaana Ehelada Marxuumka ay Alla uga baryeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo Gerida Naxdinta leh.

Ugu dambeyntii Markacadey.com ayaa waxa kaloo soo gaaray dhambaal Taciya ah oo ka timid Maxamed Cali Ciiley oo ku sugan Muqdisho kana mid ah Jaaliyadda Sacuudiga ee Beesha Biimaal, waxaana marxuumka u Rajeeyey Janada iinuu Ilaahay Geeyo Ehelkana Samir iyo Iimaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran