Dhageyso Madaxweynaha Burundi “Hadii Ciidamadeena Jooga Soomaaliya Aan Mushahar La Siin Waan Kala Baxeynaa”

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku hanjabay inuu 5,500 oo kamid ah Askartii Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya la bixi doono hadii aan la siin Musharkooda oo ka muqan mudo Sanad ah.

Pierre Nkurunziza  ayaa shaaca ka qaaday in hadii aan bisha koowaad ee sanadka 2017ka aan la siin Ciidankiisa Musharkooda iyo Gunooyinkii ay lahaayeen oo ka maqan mudo hal sano ah uu kala bixi doono dalka Soomaaliya 5,500 oo Askari oo ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Midowga Yurub oo bixin jiray Mushaharka Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo xukuumadda dalka Burundi kadib markii  Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu markii  3-aad ku guuleystay Doorashada dalkiisa.

Dalka Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamada ugu badan ee hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka joogaan  Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE