Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobe Oo Cod U Qaadaya Xabad Joojinta Dalka Suuriya

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa gelinka dambe ee sabtida cod u qaadi doono qaraarka Ruushka ee xabbad joojinta Suuriya.

Warbixintan qoraalka ah ayaa sidoo kale ku baaqaysa in si degdeg ah kaalmo gargaar oo bini’aadanimo ah la gaarsiiyo dhamaan dalka Suuriya, Dhanka kale Jabhada awooda badan ee dalka suuriya ee Nusra ayaa cambaaraysay xabad joojinta dhowaanta la gaadhay.

Jabhadan Nusra ayaa lagu tilmaamaa inay xidhiidh la leedahay ururka Alqacida, Waxay jabhadu sheegtay inay sii wadayso dagaalka ay kula jirto xukuumada Bashar Al-asad.

Dowlada Suuriya oo iyana dhinaceeda hadashay ayaa jabhadan ku tilmaamtay inaysan qeyb ka ahayn xabad joojinta.

Xabad joojinta la gaaray ayaa dhaqan gashay waxaana ka soo shaqeeyey dowladaha Ruushka iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale la filayaa in heshiiskan xabad joojinta uu ogolaado golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, Dalka Suuriya waxaa mudo sanado ah ka socday, dagaal sokeeye oo ay ku lug leeyihiin jabhada kala duwan iyo wadamo kala taageersan dhinacyada ishaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open