Heesta Sanadka Cusub Boqorka Codka “Kii Noo Hagaagee Noqo Loo Hanweynyahay” (Video)

Caawa waxa ku eg sanadka 2016, waxaana bilaabanaya sanadka Cusub ee 2017, waxaana jira doco Soomaalida ku doceysato oo ay Alla kaga dalbanayaan in uu sanadka soo socda uga dhigo sanad wanaagsan.

Halkan hoose waxaan kusoo gudbin doonaa Miraha Hees uu qaaday Allah u naxriistee Boqorkii Codka Maxamed Saleebaan Tubeec.

“Waan heesayaayee Sanad Waliba Hoodiyo, howl iyo dhibaatiyoo wuxuu hadimo leeyahay, waa lagaa helaayo¬† hadhow lagu xasuustaa, kii noo hagaagee Noqo loo han weynyahay”.

“Qaar kaa horeeyoo hodanaa na dhaafee, halkii loogu mahad naqay ka habaabi meysidee, kuwa harayna daba’daa waalla hubsan doonaa, kii noo hagaagee noqo loo hanweynyahay”.

“Kuwaan heybineynee Ilaahay hakaa dhigo, adna Hogol da’eysiyoo habeen dhalad barwaaqiyo, nimca la harsan dooniyoo Cawo lagu heshiiyee, kii loo noo hagaagee noqo loo hanweynyahay”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran