Hogaamiyaha K/galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safaro uu uga maqnaa dalka dibadiisa.

Shariif Xasan oo safaro kala duwan ku kala tagay  Ethoia, Sacuudig iyo Kenya ayaa maanta kasoo degay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana markii uu soo degay ka dib uu kulamo la qaatay Xildhibaanada dhawaan lagu doortay Baydhabo iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Sida ay sheegayaan wararka Shariif ayaa Muqdisho ka wadi doona ololihiisa Musharaxnimo oo ku saleysan dhaqaale raadis iyo shakhsiga ay isku siyaasadda yihiin in lagu garbeeyo sidii uu xilka ugu guuleysan.

Waxa jira kulamo kala duwan oo hogaamiye Shariif uu lasoo qaatay Madaxda qaar ka mid ah Wadamada uu booqday sida Ethopia iyo Kenya, waxaana jira warar sheegaya in hogaamiyaha laga yaabo in uu ka tanasulo Tartnaka oo uu ka haaysto culeysyo xoogan.

War-moogayaal ka tirsan Golaha Wasiirada ee K/galbeed oo si Afahayeeno Maamulkaas u hadla camal ayaa waxay sheegeen in hogaamiyahooda uu yahay shakhsiga kaliya ee badbaadin kara Soomaaliya islamarkaana aanu ka hari doonin tartanka.

War-moogayaashaas ayaan is weydiin dib u dhaca iyo fadhiidnimada Maamulka Shariif uu hogaamiyo oo ka haray Maamulada kale ee dalka jira, kuwaas oo Shacabkooda gaarsiiyey hormar ay ku faani karaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open