Hordhac Liverpool v Man City: Aguero Oo Soo Laabtay Iyo Klopp Oo Doonaya Inuu Lagdo Guardiola

Sergio Aguero oo afar kulan oo xiriir ah kaga maqnaa kooxda Ganaax ayaa dib ugu soo laabtay isagoo diyaar u ah inuu wajaho Liverpool kulanka caawa.

Reds ayaa afar dhibcood ka fogaan karta Liverpool waase hadii ay Anfield ku garaacdo, sidoo kalana waxey guul kusoo xiri kartaa sanadka 2016, Jurgen ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuusan daawan laheyn Manchester City xilli Pep Guardiola uu waqti ku qarash gareeyay inuu Anfield ku daawado Liverpool oo garaaceysa Stoke City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Garsoore: Craig Pawson (England)

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Liverpool kubad sameeyaheeda Philippe Coutinho ayaan taam buuxa u aheyn ciyaartaan mana ka hortagi karo Citizens, xidigaan reer Brazil ayaa dhaawac canqawga ah kaga maqan garoomada. Dhibka kale ee Reds heysta ayaa ah in Joel Matip uu seegayo kulankii afaraad oo xiriir ah isagoo dhibaato ka qaba canqawga.

Dhanka kale Sergio Aguero ayaa dib ugu soo laabanaya City, halka John Stones uu taam buuxa u noqon karo ciyaartaan madama dhaawac looga saaray kulankii Hull City ee Boxing Day-ga.

Leroy Sane ayaa wali dhaawac ku maqan, halka Kompany uu wali dhaawacyadii ragaadiyay la xanuunsayo.

XAQIIQOOYINKA KULANKAAN:

Liverpool ayaa badisay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay isku arkaan Premier League-ga si xiriir ah, markii ugu dambeysay oo ay 4-jeer guul ka gaaraan waxey aheyd 1981, waxeyna xiligaas dubteen 7-kulan oo xiriir ah.

Aguero ayaa gool dhaliyay afar jeer oo uu ka hor yimid Liverpool kulamada horyaalka Ingiriiska, balse dhamaan goolashaas midkood kuma dhalin Anfield.

Liverpool waligeed kuma fashilmin iney gool dhaliso 19-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kusoo dhaweyso City kulamada Premier League-ga.

SHAXDA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL:

Mignolet, Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Henderson, Wijnaldum, Lallana; Mane, Firmino, Origi.

MAN CITY:

Bravo; Zabaleta, Stones, Otamendi, Kolarov; Fernandinho; Navas, Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero

by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran