Liverpool Oo Anfield Ku Garaacday Man City, Inkaarta Sky Blues Ee Anfield Oo Halkeeda Ka Sii Socota

Tababare Klopp iyo ciidamadiisa Reds ayaa Afield guul dahabi ah kaga gaadhay Manchester City iyada oo Guardiola uu la kulmay guuldaradii afraad ee xili ciyaareedkan ku soo gaadhay Premier leaque-ga. Gool uu bilawgii kulankan dhaliyay Georginio Wijnaldum ayaa Reds ugu filnaaday in ay Man City iyo macalinkooda Guardiola dhulka ku dhigaan, waxayna Reds sii xejisatay kaalinta labaad ee PL iyada oo ah kooxda wali culayska ku sii haysa Chelsea oo hogaanka 9 dhibcood ku sii qabtay.Tababare Klopp iyo ciidamadiisa Reds ayaa Afield guul dahabi ah kaga gaadhay Manchester City iyada oo Guardiola uu la kulmay guuldaradii afraad ee xili ciyaareedkan ku soo gaadhay Premier leaque-ga. Gool uu bilawgii kulankan dhaliyay Georginio Wijnaldum ayaa Reds ugu filnaaday in ay Man City iyo macalinkooda Guardiola dhulka ku dhigaan, waxayna Reds sii xejisatay kaalinta labaad ee PL iyada oo ah kooxda wali culayska ku sii haysa Chelsea oo hogaanka 9 dhibcood ku sii qabtay.

ooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa ciyaarayay iyaga oo sii ogaa in Chelsea ay 4:2 ku dubtay Stoke City waxayna dareemayeen cadaadis ka sii badan iyaga oo maanka ku hayay in guuldaro soo gaadhaa ay xaalada ku xumayn doonto isla markaana ay Blues siin doonto fursad wayn oo ay ku sii fogaato. Sidaa daraadeed muhiimada kulankan ayaa ahayd mid si wayn looga dareemayay labada kooxoodba.

DAQIIQADII 8 AAD GOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka ee ay neeftada dib ugu celisay kooxda martida ahayd ee Manchester City waxaana gool madax cajiib ah u saxiixay Georginio Wijnaldum kaas oo meel fog kaga soo duulay kubbad uu Adam Lallana soo karoosay wuxuuna wax gool badbaadin ah uu u diiday Claudio Bravo isaga oo Wijnaldum ciyaarta ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Manchester City ayaa bilawday in ay ka dagaalanto goolka looga hormaray balse kooxd Klopp ayaa si adag u difaacanaysay isla markaana waxay dagaal ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd goolkeeda labaad si ay kalsooni u sii hesho. Ciyaarta ayaa noqtay mid khadka dhexe lagu dagaamayo isla markaana ay City kubbada haynta badan yeelatay.

AQIIQADII 29 AAD Liverpool ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu James Milner kubbad dheer u tuuray Roberto Firmino, laakiin kubbada uu Firmino kula baxay goolka City ayuu awoodi waayay in uu si fiican u maamulo taas oo Bravo fursad uu ku qabsado kubbada ka caawisay.

Laakiin shantii daqiiqo ee qaybtii h–e ee kulankan ugu danbaysay ayay Manchester City heshay fursadaheedii ugu fiicnaa iyada oo waqti dheer aan wax fursad dhab ah samayn laakiin fursado ay abuureen Klorov, Silva iyo De Bruyne ayaan noqon kuwo midho dhalay sidoo kale Aguero ayay tiro badan oo offside ah ku lumiyay fursado loo abuuray laakiin mararka qaar ayuu dhibaato badan ku abuurayay Mignolet. Qaybtii h–e ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo dardaarankii ugu danbeeyay ka soo qaatay Klopp iyo Guardiola waxaana markan laga dareemayay dardar cajiib ah iyada oo Clyne uu markiiba helay fursad uu goolka labaad ee Liverpool uu ku dhalin gaadhay.

DAQIIQADII 56 AAD David Silva ayaa helay fursad aad u fiican kadib markii uu laba ciyaartoy oo Liverpool ah uu soo garaacay laakiin darbo uu goolka barbaraha City ugu raadinayay ayaa sare uga kacday sidoo kale waqti yar ka hor Aguero ayaa fursad isna helay waxayna markan City noqotay kooxda fursadaha fiican helaysay.Liverpool ayaa nafteeda dhibaato ugu abuuraysay kubbad dhiibis qaladaad badan lahayd.

DAQIIQADII 64 AAD Klopp iyo kooxdiisa ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyarta dhaawac uga baxay kabtanka Reds ee Jordan Henderson oo shaqo badan khadka dhexe ka hayay waxaana lagu soo badalay Divock Origi. Manchester City ayaa qaybtii danbe shaqo badan u qabtay in ay hesho goolka barbaraha balse difaaca Reds ayaa si wayn iskaga difacayay.

Manchester City ayaa awoodeeda oo dhan iskugu gaysay sidii ay goolka barbaraha ula iman lahayd isla markaana ay ku jabin lahayd difaaca xadiidka ahaa ee Liverpool haka Reds ay awoodeeda iskugu gaysay in ay si xoogan oo aan ukala hadhlayn u difaacato goolka ay hogaanka ku haysay sidoo kale Liverpool ayaa markan ay fursad hesho weerar deg deg ah qaadaysay.

DAQIIQADII 86 AAD Guardila ayaa sameeyay badalkiisii ugu horeeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Pablo Javier Zabaleta si uu Jesus Navas weerarkiisa ugu xoojiyo laakiin Liverpool ayaa iska fududaysay culayskii haystay waxayna bilawday in ay City kubbada la qaybsato taas oo Klopp woxogaa neefsasho ah siisay. Sidoo kale Yaya Toure ayaa dhamaadkii ciyaarta laga saaray waxaana soo galay Kelechi Promise Iheanacho.

Wax kasta oo ay Manchester City samaysay waxay awoodi wayday in ay wax gool ah ku gaadho shabaqa Liverpool waxayna awooday in ay hal gool ee ay bilawgii ciyaartay dhalisay ay guul dahabi ah kaga gaadho Manchester City iyada oo Klopp uu halkiisa ka sii wato rekoodhka cajiibka ah ee uu xili ciyaareedkan ka haysto kooxaha waa wayn. Guuldaradii afraad ee xili ciyaareedkan ayaa City ku soo gaadhay Anfield.

Inkaarta Anfield ee Mancehster City ayaa halkeeda ka sii socota iyada oo tan iyo sanadkii 2003 aan wax guul ah ku soo gaadhin Anfield. Kooxda Liverpool ayaa heshay guul ay ku heshay saddex dhibcood oo u dhigma lix dhibcood waxayna noqotay kooxda wali ka sii agdhaw Chelsea oo wali lixdii dhibcood sii ilaashatay.

by Mohamoud Batalaale

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE