Madaxweynaha Puntland Oo Muqdisho Kulan Kula Yeeshay Danjiraha Dowlada Turkiga Ee Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Oglan Bekar.

Madaxweyne Gaas iyo Danjire Oglan Bekar ayaa marka hore ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac, iyo mashaarciida hormarineed ee Turkiga uu ka wado deegaanada Puntland, sidoo kale dhinacyada ayaa ka wada hadlay xaaladaha abaareed ee saameynta ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyna ayaa tibaaxay inay muhiim tay in laga arinsado sidii looga wada qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen, geesta kale madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka sidii Dawladda Turkigu ay usii horumarin laheyd adeegyada ay ka haayso deegaanada Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open