Baarlamaanka Aqalka Sare Oo Ilaa Bisha Seddaxaad Ee Sanadkan Aan Qaadan Doonin Wax Mushaharaad Ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ee dowlada Fedaraalka ayaa la sheeciyey in wax mushaharaad ah aanay qaadan doonin ilaa laga gaarayo Bisha Seddaxaad ee sanadkani cusub.

War uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dowlada Fedaraalka Maxamed Aadan Ibraahin Farkeeti ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka aqalka sare uu lahaan doonin Mushaharaad, maadaama aanay ku jirin miisaaniyadii la ansaxiyey sanadkii hore.

Farkeeti ayaa intaa hadalkiisa ku daray in Baarlamaanka aqalka sare uu sugi doono ilaa laga ansaxinayo Miisaaniyadda Sanadka oo loo codeenayo bisha Seddaxaad, waxaana hada uu sheegay in miisaanayaddii hore lagu shaqeyn doono taas oo aan ku jirin Baarlamaanka aqalka hoose.

Baarlamaanka Fedaraalka oo guda galay shaqadiisa ayaa laga sugayaa in ay meel mariyaan Miisaaniyadda Aqalka sare,xildhibaanada aqalka sare oo gaaraya ilaa 54 mudane ayaa weli waxaan la dooranin Xildhibaanada Beelaha Waqooyi iyo kuwo Beelaha Banaadiriga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran