Ciidamada Amaanka Oo Caawa Howlgallo Culus Ka Wada Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Marka

Ciidamada maamulka Marka ayaa caawa wada howgallo ay ku xaqiijinayaan amaanka qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Howlgalkan oo caawa ay qaadeen Ciidamada amaanka ee Maamulka Marka ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka war heleen in ay socdaan abaabul ka dhan ah amaanka oo ay wadaan kooxo Isbaheysi ah oo ka kooban Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Goobaha caawa uu howlgalka ka socdo ayaa waxa ka mid Xaafada Beyturaas, Sheekh Abroone iyo Xaafada Saraha halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan Isbaheysiga ku heshiiyey inay degin magaalada Marka oo labadii sano ee lasoo dhaafay aanu ka howlgalin wax Maamul ah.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo si kooban caawa uga hadlay howlgalkan ayaa sheegay inay ku xaqiijinayaan guud ahaan amaanka magaalada gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan Ciidamada Deegaanka.

Dad ku dhaqan xaafada Saraha ayaa Caawa warbaahinta waxay u sheegeen in howlgallo Cuslus ay ka socdaan xaafadahooda islamarkaana caawa jawiga ay ku suganyihiin uu yahay mid ka bedalan kii hore oo ay arkayaan Ciidamada badan oo baaritaano wada.

Saraakiisha caawa hogaaminaysa howlgallada ayaa naloo sheegay inay ka feejiganyihiin weeraro lagu soo qaado si loo hakiyo howlaha ay wadaan, waxaana inta badan xiran caawa wadooyinka xaafadaha ee magaalada gaar ahaan isgoyska Suuqa dhuxusha iyo wadad Wajeer oo ay ka kala firxadeen Mooryaanta Habargidir.

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa qeybo ka mid ah waxa ku sugan Mooryaanta Habargidir oo xiriir la leh Maleeshiyada Alshabaab, waxaana labadan kooxood ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan qalalaasaha magaalada iyo dhibaateynta Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE