Dhageyso Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Qirey In Isbaarooyinka Gobolka Ay U Yaalaan Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Milateriga

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa caawa qirey isbaarooyin badan oo yaala Gobolka Shabeelada hoose ay u yaallaan Ciidamo ka tirsan kuwo Milaterega ee Wasaaradda Gaashaandhigga hoos taga.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha ee Mamaulka Shabeelada hoose ayaa wareysi caawa uu bixiyey ku faafahiyey isbaaro bilqan wadooyinka Gobolka Shabeelada hoose, gaar ahaan wadada aada dhinaca galeed ee u dhaxeysa Afgooye ilaa degmada Wanla weyn.

C.fataax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay in isbaarooyin badan ay yaalaan Wadada oo dhibaatooyin ay ku qabaan Darawalada Gaadiidka, waxaana eedda isbaarooyinkaas uu dusha u saariyey horjoogayaal ka tirsan Ciidamada Milateriga.

Sidoo kale waxa cadeeyey in marar badan ay kulamo la qaateen horjoogayaasha ay ka amar qaataan Ciidamada dadka ku dhibaateenaya isbaarooyinka, waxaana uu tilmamay in weli aan waxba laga qabanin cabashadii ay gudbiyeen.

Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo awood ahaan uu xakameeyey hogaamiyaha K/galbeed ayaa u muuqdo in markaan uu ka dhamaaday dul qaadka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE