Dhageyso Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Dowlada Xasan Sheekh Ku Eedeeyey Inay Qiyaameysay Umada Soomaaliyeed

Mdaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay dul duleelada iy eedaha ay muteysatay dowlada Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo.

Sheekh Shariif ayaa marka hore ka hadlay doorashadii sanadkii 2012-kii ka dhacday Soomaaliya ee lagu doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladii xilligaasi jirtay dadaalkii ay u gashay dalka in ay ku qabsoonto doorasho muddo sanado ah ka dib.

Waxa uu soo bandhigay in dalka dib u dhac badan la geliyey, islamarkaan Shacabka Soomaaliyeed la musuq maasuqa, isagoo dowladan ku eedeeyey in dhulkii danta Guud ay u gacan gelisey Shakhsiyaad gaar ah oo aan wax dan ah ugu haaynin Umada Soomaaliyeed.

Doorashada Xildhibaanada ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay mid la yaab leh maadaama Laaluusha la baray dadkii baadiyaha, iyadoo xillibaanadan intooda badan ay kusoo baxeen musuq maasuq ka dhacay magaalooyinka doorashooyinkooda ay ka qabsoomay.

Madaxda hada joogta ee u taagan in mar kale ay kusoo noqdaan hogaaminta dalka ayuu ku sheegay mid xaaraan ah maadaama ay qiyaameeyeen Umadda Soomaaliyeed oo aanay gaarsiin balan qaadkii ay sameeyeen markii la dooranayey oo ahaa in dalka ay gaarsiinayaan hal qof iyo cod.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open