Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe Oo Maraya Heer Gabagabo Ah (Sawiro)

Waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Maamul Goboleedka Puntland iyadoo qaab dhismeedka Garoonka uu yahay mid udhisan si u casriyeysan  Garoomada Caalamka iyadoo badi la diyaariyay qaybihii muhiimkaa qaarna dhisme ku socdo.

Waxaa la diyaariyey Parking-kii Diyaaradaha oo halkii mar ay adeegsan karaan tiro Diyaarado ah sidoo kale waxaa la diyaarinayaa meelihii la gelin lahaa nalalka habeenkii baxa si’ Madaarka loo adeegsado habeen iyo maalin ayna uga soo dagi karaan diyaaraha shacanka iyo kuwo kalaba.

Waxaa sidoo kale dhismaha Runway-ga barbar socda dhismaha Barta kaydka iyo Kontaroolka shidaalka diyaaradaha Waxaa sidoo kale la dhammaystiray oo guud ahaan Garoonka lagu soo wareejiyey Siliggii ka ilaalin lahaa dadka iyo xayawaanka in ay soo galaan Waddada ay diyaaraduhu ku ordaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE