Nin Soomaali Ah Oo Dhacdo Argagax Leh Ka Geystay Dalka South Afrika Ka Dib Markii Uu Dilay Xaaskiisa Hore

Nin Soomaali ah oo ku noola dalka South Africa ayaa maanta dhacdo la yaab leh halkaasi ka geystay ka dib markii uu dilay Haweeney uu horey u qabay ka dibna isagiina uu is dilay.

Sida wararka ay sheegayaan Ninkan ayaa ka carooday Tallaabo Haweeneyda ay u qaaday sidii ay dib ugu dhisi la haeyd nolosheeda, iyadoo la saaxiibtay Nin kale oo ay wada shaqeeyaan Seygeedii (Ninkeedii) hore ee nolosha ay ku kala irdhoobeen.

Tallaabadaas lagula saaxiibay Saaxiibkiisa ayuu ninkii hore ka carooday, waxaana taasi ay keentay in Haweeneyda uu dilo ka dibna uu isaga nolosha is dhaafiyo oo uu is dilo, waxaana dhcadadaas ay noqotay mid laga hadal haayo guud ahaan dalka South Africa gaar ahaan magaalada dilka uu ka dhacay ee Pretoria.

Arintan ayaa salka ku haaysa Maseyr (Hinaaso) uu Ninkan Nolosha u dhaafiyey Haweeney horey ugu dhaxday iyo Noloshiisa, waxaana arintan lagu tilmaamay mid ugub ku ah guud ahaan Soomaalida ku dhaqan dalka South Africa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran