Qiso cajiiba Ah :- Dardaarankii Faraska Iyo Doqoniimadii Dameerka !

Waagii baryaaba waayo leh,aroorkasta oo aad soo toostaana waxa ku tusaysaa casharo iyo wax aad ka barato,ma jirto maalin maalinta kale la barnaamij ahi,ayaankastaba waxa ay leedahay sumad lagu garto shar iyo khayrba.

Saaka markii *Waa-ii beryey ee aan soo toosay,ayaa waxa VD isoo diray nin suldaan ah,kadibna VD ayaan si fiican u dhagaystay ,waxa markiiba igaga soo baxay,odayaal iyo akhyaar aan si fiican u wada aqaano.

Hadaba dadkaasi oo isugu jiray ,bulshada laamaheeda kala duwan ,una badnaa madax-dhaqameed iyo wadaado,waxa ay ka fal-celinayeen ama ay u jawaabayeen,nin isaguna ah Suldaan ,ninkaasi oo markasta sida ay odayashu hadalka udhigeen, cay iyo aflaagado ku hayo mid ka mida musharaxiinta xisbiyada Somaliland.

Hadaba anigu dan iyo muraad kamaan galin isu jawaabkooda iyo weerar iyo weerar celintooda ,balse waxaa si gar ah isoo jiitay sheeko ama qiso maqal keeda ay iigu danbaysay waa-hore,taasi oo ka hadlaysa Faras iyo Dameer sheeko dhex martay.

Sheekadaasi waxa ay afkiisa kasoo baxday oo aan ka dhagaystay ,nin aan si fiican u aqaano,walibana aanu saxiib gaara ahayn, oo layidhaa Sheekh Jamac hadaanan magaciisa qaldayn, waayo wakhti hore ayaa iigu danbaysay.

Ninkii odayga ah ee Sheekh Jamac waxa uu ka sheekeeyay qiso ama sheeko mala-awaal ah oo dhex martay Faras iyo Dameer,waxa kaloo uu ka sheekeeyay isaga oo waliba si qurux badan u dhigaaya sida markasta dameerku uu yahay mid qaylo iyo cabaad badan.

Hadaad aragto qisooyin noocan oo kala ah,waxa aad dareemaysaa in aanay jirin Faras iyo Dameer iwm oo wada hadlay,balse hadana Somalidu sheekoyinka sidan oo kala ah, waxa ay kula baxi jirtay xigmad iyo faaloyin ay markaasi nolosha ku tilmaansadaan.

Waatan sheekatii iyada oo faahfaahsan:-

Wakhti xiliyada ka mida,ayaa Faras ku jira Beer aad u barwaaqo ah isla markaana daqaaya,ayaa waxa u yimi Dameer aad u diifaysan oo ay dhici karto in aanu muddo aad u badan aanu waxba cunin,korkiisa iyo kashkiisabana ay ka muuqato darxumo aad u wayni.

Dameerkii waxa uu soo istaagay duleedka Beerta,madaama ay Beerta uu Farasku daaqayaa ay tahay mid weegaarkeedu uu yahay mid oodan,Dameerkii inta uu la hadlay Faraskii ayaa waxa uu ku yidhi,Farasoow waxa aan ahay mid aad u diifaysan,darxumada iyo daalka iga muuqdana waad aragtaa,waxa aan kaaga bahanahay in aan gacan isiiso oo aan beerta kula daaqo.

Faraskii ayaa inta uu madaxii kor uqaaday ayaa waxa uu ku yidhi dameerkii ,in wax la isasiiyaa ma xuma oo waxa aynu isku nahay Bah habardugaag ,gaar ahaan labadeenu Habar-dugaag waa aynu iska xignaa oo si’uun ayaynu isugu eeg nahay ,walaw aad naga fool xuntihiin hadii aad tihiin baha Dameeraad.

Faraskii isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi,Dameerow Beertan aan daaqaayo waan kugu siidayn-lahaa,kadibna waxa aad ila daaqi lahayd cusobkaa iyo doogaa quruxda badan ee aan kaligay daaqayo ,balse waxa aan ka baqayaa,marka aad Doogaasi iyo Naqaasi ila daaqdo ee aad dharagto in aad Dinaahido(qayliso) qayladaa iyo cabaadka ka bacdina,in bahanla layidhaa Liibaxa oo kaymahan ku jiraa uu maqlo kadibna aynu labadeenuba halkaas ku nafwayno.

Dameerkii oo hadalka Faraska jawaabka celinaaya ayaa waxa uu yidhi,xaasha qaylinmaayo,dhawaaqina maayo,marka aan dhargana waxa aan balan kuu qaadayaa in aan iska aamuso oo aanan kalmad odhan.

Faraskii madamaa ay dameerka isku yihiin baha xayawaan,si gaar ahna ay yihiin kuwo isugu eeg,waxa uu talo ku goostay in uu Dameerkan diifaysan darxumada iyo daalkaba uu ka reebo,kadibna waxa uu ka furay albaabkii Beerta.

Dameerkii isaga oo hiinraagaya ayuu isaga oo aan bidix iyo midigtoona eegin gaajadii haysay markiiba Doogii afka galiyay,waxyar ka bacdina waxa uu ka dhargay oo uu cabay Biyihii Farasku kaligii loogu talagalay.

Dameerkii markii uu dhargay ee uu caloosha buuxiyay ,ayaa sidii u cadada ahayd marka horaba,dhaqan iyo dabeecadna u ahayd ,Faraskuna uu kala dardaarmay in aanu marnaba samayn,ayuu waxa uu bilaabay oo afkiisa kasoo yeedhay *qururuf iyo reenkii lagu yaqaanay.

Faraskii oo halkan taagan ayaa waxa uu arkay in Dameerkii uu neefneefsanaayo ,kadibna waxa uu ku yidhi,Dameerow balan horana waataynu lahayn ,hadana qururuf taada ayaan maqlayaa sidee ayay wax kaa yihiin.

Damiirkii hadalkii mabuu laba’labayne,waxa uu ugu jawaabay Faraskii,walaahi waa lay-hayaa,waxanan u malaynaya in aan ku dhufan doono cabaadkii iyo qayladii ay habar dugaag oo dhami igu yaqaneen.

Faraskii oo yaaban,dareemayana in uu Dameerku maagan yahay in uu qayliyo,ogsoona in qaylada iyo cabaadka Dameerku in ay tahay mid uu dhaqan soo jireena u lahaa,ayaa waxa uu kula dardaarmay Dameerkii in uu aamuso oo uu afka isku qabto.

Dameerkii ilayn waa dhaqan iyo caado lagu yaqaane,waxaa ku adkaatay markuu dhargay in uu aamuso,kadibna sidii lagu yaqaanay waxa uu ooda ka qaaday cabaadkii iyo qayladii xumayd ee lagu yaqaanay.

Wakhtiyar ka bacdina ,isaga oo soo raacay cida iyo cabaadka Dameerka ,waxaa Oodii Beerta iska soo *shalwiyay (booday) Libaax muddo aad u fara badan qatanaa ,halkaasi ayaanu Faraskii iyo Dameerkiiba ku dilay kuna nafwaayeen.

W/Q.Khadar Aar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open