Qorshaha Hormarinta Seddaxda Sano Ee Maamul Goboleedka Puntland Oo La Daah Furey (Sawiro)

Caasimadda puntland ee Garoowe waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu daahfurayay qorshihii horumarinta Puntland ee 5 sanno oo dib loo eegay,lagu soo koobay saddex sanno oo kaliya, waxaana ka qaybgalay madaxweynaha K/xigeenka dowladda Puntland, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Wasiirka Qorshaynta, Wasiiradda Ganacsiga, dhalinyarada, iyo Diinta Aw-qaafta, waxaa kaloo ka so qaybgalay  madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay xarunta PDRC ee Garoowe, ayaa wasiirka  qorshaynta  Puntland shire Xaaji Faarax oo qorshahan ay wasaaradiisu soo diyaarisay wuxuu sheegay in qorshaha horumarinta uu ahaa midkii shanta sanno ee hore ugu yiilay dowladda oo dib la isugu celiyay, lagana dhigay saddex sanno oo kaliya si uu ula jaanqaado qorshaha horumarinta ee u yaala dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey oo Daahuray qorshaha horumarinta dowlada, wuxuu tilmaamay in qorshahan uu hormarinayo dhamaan waxyaabaha faa’idada u leh bulshadda oo ka mid tahay waxbarshada, Caafimaadka, amniga iyo xasiloonida dhaqaalaha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open