Taliye Ku Xieenkii Madaxtooyada Oo La Ogaaday In Loo Toogtay 100 Doolar

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dil nin Sarkaal ahaa shalay loogu gaystay Xarunta Madaxtooyada Somaliya dhexdeeda, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada.

Korneyl Cabdi Cabdulle Qoorgaab, oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Koofi Casta ee ka hawlgala Villa Somalia, ayaa la sheegay in loo dilay lacag dhan boqol Dollar. “Abaan Duulaha, ayaa waxaa dilay nin askari ah, sababtuna waxaa weeye shalay ayaa mushaarka loo qaybiyay Ciidamada Koofi Casta, askarigana kuma jirin askartii mushaarka la siiyay. Maanta ayuu soo maqlay in mushaaraadka si hoose loogu qaybiyay Ciidamada Koofi Casta oo uu ka tirsanaa, wuxuuna ku yiri mushaarkayga i sii, isagiina si toos ah ugu muu jawaabin. Boqol dollar ($100) ayuuna maanta u dhintay.” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada.

Waxaa uu tilmaamay in mushkilad ay ka taagan tahay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida Qaranka, isagoo intaa ku daray in markasta la musuq maasuqo mushaaraadka ciidamada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE