Wajiga 3aad Ee Shirkii Toosinta Duub-Dhaqameedka Beesha Biimaal Oo Maanta Lagu Qabtay Guriga Suldaan C/weli C/raxmaan Mubaarak (Sawiro)

Waxaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku qabsoomay wajiga 3aad ee shirkii toosinta duub dhaqameedka beesha Biimaal. Waxaa uu hadafka shirkan yahay in la hagaajiyo xilka Saldanadda beesha Biimaal oo nin aan Ehel u ahayn uu afduubtay isla markaasina Villa Somalia iskaga diiwaan geliyey inuu yahay Suldaanka beesha Biimaal.

Wajiga 3aad ee Shirka oo uu gurigiisa ku marti geliyey Suldaan C/weli C/raxmaan Mubaarak ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin, waxgarad caan ah iyo nabadoono ka yimid deegaanada beesha Biimaal degto sida nabadoonada degmada Marka.

Waxaa laga xusi karaa waxgaradka maanta ka qayb galay kulankan Wasiirka Diinta iyo Awqaadka K/Galbeed Macalin Barre, nabadoon Axmed Bakool, nabadoon Kuule, nabadoon Xasan Cali, nabadoon Maxamed Cumar Fanax, nabadoon Xaaji Ibrahim Axmed Barrow, nabadoon Daa’uud Hudle iyo nabadoon Maxamed Abuukar Timagaduud.

Qodobo dhowr ah oo laga soo saaray shirkan maanta dhexmaray waxgaradka beesha Biimaal ayaa iyagoo faahfaahsan waxaan idinku soo gudbin doonaa qoraaladeena dambe haddii Alle.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE