Weerar Khasaare Badan Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Istanbuul Ee Dalka Turkiga (Sawiro)

Baar lagu caweeyo oo ku yaalla Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxa ka dhacay weerar khasaare badan dhaliyey.

Ruux ku hubeysan qoriga daran dooriga u dhaca ayaa rasaas ku furey dad ku sugnaa goob lagu caweeyo oo loogu dabaal degaayey Sanadka Cusb ee 2017, waxaana goobtaas ku Geeriyooday ilaa in ka badan 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 45 qof oo dhamaantood goobta ku sugnaa.

Goobatna weerarka uu ka dhacay ayaa la shegay in ay ku taala magaalada Istanbuul dhinaca Yurub, halkaas oo lagu tiriyo goobaha ugu badan ee ay ku dhaqanyihiin Taajiriinta iyo dadka Ajaanibta.

Dowlada Turkiga ayaa si ada u cambaareysay weerarkan dhiiga badan uu ku daatay, waxaana ay ku eedeysay in ay fuliyeen kooxo argagaxisa ah oo kasoo horjeeda Danaha Shacabka Turkiga, kuwaas oo sidoo kale lagu eeddeeyey inay taageeraan dowlado diidan Jiritaanka Turkiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE