Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Ka Mid Noqotay Xildhibaanada Maanta Lagu Doortay Muqdisho

Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid aheyd Xildhibanadii hore ee Baaralamaanka Fedaralka marna soo noqotay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadii Dr Saacid ayaa maanta ka qeyb gashay tartanka Xildhibaanada Baarlamaanka sidii markale loo soo dooran lahaa.

Xildhibaanad Foosiya ayaa waxay ka guuleystay Caasha Aadan oo kula tartameysay Kursiga, waxaana xildhibaanada ay ku guuleysatay Codad gaaraya 45, waxaana ay ugu mahadcelisay Ergada dooratay.

Sidoo kale waxa Maanta Muqdisho lagu doortay xildhibaano xusub oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kuwaas oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub.

1-Muuse Ismaciil Beesha Carab Cabdale Isaaq, waxa uu helay 48 cod

2-Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Beesha Garxajis Isaaq 45 cod

3-C.fataax Ismaciil Daahir Beesha Garxajis Isaaq 46 cod

Doorashada Xildhibaanada aqalka hoose/Golaha Shacabka ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa mareysa heer Gabagaba ah, waxaana horey loo doortay Mudanayaal badan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran