Baarlamaanka Fedaraalka Oo La Horgeeyey Mooshin Looga Doodayo Xildhibaanada Shahaadooyinka Loo Diiday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay saaka baarlamaanka Soomaaliya dood gaar ah ka yeelan doonaan Mooshin la doonayo in lagu fasaxo Xildhibaanadii loo diidey Shahaadooyinka Xildhibaanimo ee Aqoonsiga ahayd.

Mudanayaal baarlamaan ayaa soo jeediyey mooshinkan oo hadda horyaala mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka oo saaka dood gaar ah ka yeelan doona.

Xildhibaanada la diiday oo markii hore gaarayey 24 xubnood, ayaa ugu dambeyntii ay Hogaamiyaasha Madashu isku afgarteen in dib loogu laabto shan xubnood oo kaliya, taas oo ay mooshin ka keenen baarlamaanka cusub ee dawladda Soomaaliya.

Dib u celinta Xildhibaanadan ayaa muran badan ka dhex dhaliyey Gudiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka, sidoo kale waxa ka hadlay oo dood ka keenay Saaxiibada dowlada Fedaraalka ee wakiilka ka ah dowladaha Beesha Caalamka.

Magaalooyinka ay ku shaqeeyaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxa lagu soo doortay xildhibaano qaab musuq maasuq iyo kursi boob kusoo baxay, waxaana tallaabooyinka ay u qaadeen dhanka musuqa ku taageeray Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran